Guddiga Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ee labad a Aqal ee Baarlamaanka oo maanta yeeshay Kulankoodii ugu horreeyay, ayaa doortay Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku xigeenka Guddiga.
Guddiga ayaa Senator Cabdiqani Geelle Maxamed oo kasoo jeeda Puntland ayaan doortay Xilka Guddoomiyaha Guddiga Doorashada labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, isgoo helay 10 Cod halka, halka Xildhibaan Maxamed Axmed Beereey oo la tartamay uu ka helay 5 cod, musharaxa kale ee Senator Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa isna helay 2 Cod.
Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga oo ay isu sharaxneen Senator Ibraahim Owgaab Cismaan, Xildhibaan Maxamed Keerow Maxamed & Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimoow ayaa waxaa wareegii saddexaad ku guuleystay Maxamed keerow Maxamed.
Guddiga Doorashada Madaxweynaha ayaa laga sugayaa inay dejiyaan jadwalka Doorashada madaxweynaha cuusb, ayna agaasimaan howshaasi adag