Tuesday, June 24, 2025

MUQDISHO: Meydka Wiil dhalinyaro ah oo habeenkii 4-aad ku jira Qaboojiye iyo Beeshiisa oo War kasoo saartay

Wiil dhalinyarro ah oo dhowaan lagu dilay magaalada Muqdisho ay qoyskiisa sheegeen inuu weli ku jiro Qaboojiyaha, isla markaana aanay aasi doonin inta laga soo qabanayo askarigii dilay.

Odayaasha iyo Waxgarada Beesha Wacdaan ayaa kulan ay ku yeesheen Muqdisho ku caddeeyay in marxuum C/raxmaan Cumar Ibraahim oo askari ka tirsan ciidamada fadhigoodu yahay degaanka Gubadley ee ka tirsan milateriga qeybta 27-aad e uu hoggamiyo Col. Saney Cabdulle, meydkuna uu ku jiro Qaboojiyaha Isbitaalka Digfeer ayna doonayaan cadaalad.

Dilka marxuumka C/raxmaan Cumar ayaa 10-kii bishan ka dhacay xaafada Yuusuf Alkowneyn ee degmada Boondheere, magaalada Muqdisho, waxayna eheladiisa sheegeen inuu askariga dilka u geystay xilli uu ku sugnaa gurigiisa hortiisa.

Odayaasha beeshan ayaa ugu baaqay Ra’iisal wasaaraha iyo dowladda Federaalka inay arrintan soo farageliso, isla markaana sharciga la hor keeno askariga dilka geystay oo ku sugan degaanka Gudbadley.

Waxay sheegeen in Kiiska dilka ah ee wiilkooda aanu waxba ka qaban Booliska degmada Boondheere, iyadoo la yaqaan askariga dilka geystay, lana hayo magaciisa iyo muuqaalkiisa, si nabad ahna uu magaalada ku dhex marayo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON