Tuesday, June 24, 2025

Muran ka taagan xubnaha Aqalka Sare ee Dirta Waqooyi oo qarka u saaran inuu Qarxo [Dhageyso Gaas]

Wararka laga helayo ilo ku dhow Madaxda Madasha Qaran  ayaa sheegaya in muran xoog leh ka jiro xubnaha aqalka sare laga siiyay degaanada Somaliland.

Khilaafka ka taagan xubnahan ayaa salka ku haya 11-ka xubnood cidda qaadaneysa iyo beelaha ay ka imaanayaan, waxaana heshiis iyo hanaan doorasho oo dhowaan shaaciyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya lagu caddeyn waayay arrintan.

Qorshaha oo ay si weyn uga hor timid Puntland ayaa lagu magacaabay Guddi soo magacaaba xubnaha u tartamaya Aqalka Sare ee ka soo jeeda Somaliland, waxayna arrinta la isku hayo ka dhaxeysaa odayaasha iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda Somaliland iyo Puntland.

Odayaasha iyo Siyaasiyiinta ka soo jeeda Somaliland oo muddo dheer diidanaa qoondada Xubnaha Aqalka sare ayaa dhowaan ogolaaday inay  kaqeyb galaan doorashada 2016, waxayna doonayaan in 11-ka xubnood ee loo qoondeeyay Somalilanad ay qaadato Dirta Waqooyi, arrintan waxaa si weyn u diidan Maamulka Puntland oo ku doodaya in ugu yaraan 2 xubnood ay ku yeeshaan beelaha Daarood ee dega degaanada Somaliland.

Qoraal diidmo ah oo ay uga horjeedo Puntland in xubnaha Aqalka Sare ee Somaliland loo qoondeeyay laga dhigo Dir Waqooyi ayaa loo kala diray beesha caalamka, waxaana guddiga Doorashada uu sheegay inay Madasha Qaran u taallo  go’aan ka gaarista arrintan.

Xogta ay heshay Goobjooge.com ayaa sheegeysa in muranka ka taagan xubnaha aqalka sare ee Somaliland qarka u saaran yahay inuu qarxo, iyadoo xilliga doorashadu yahay gabaabsi, isla markaana shirarkii Madasha Qaran ay hore u qabsoomi waayeen xaaladda doorashada oo kacsan awgeed.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON