Musharax aan la fileyn oo Qarka u saaran inuu noqdo Madaxweynaha Puntland & Wareeggga saddexaad oo bilowday

Waxaa loo gudbay wareegga saddexaad ee doorashada madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland, iyadoo ay isugu soo hareen laba musharax.

Wareegii labaad waxaa si lama filaan ah hoggaanka codadka ugu soo baxay ninka da’da yar ee Gen. Asad Cismaan C/llaahi isagoo helay 30 cod, waxaana kaalinta labaad galay Saciid C/llaahi Deni oo helay 29 cod, halka musharax Faarax Cali Shire uu hleay 7 cod oo qura, kaasoo ku haray wareega labaad.

Labada musharax oo wareegga saddexaad ku tartamaya ayaa ku loolami doona codadka uu helay musharaxii saddexaad ee Faarax Cali Shire oo ahaa 7 cod, waxaana guusha ay raaci doontaa qofkii ka hela codadka ugu badan xildhibaannada u codeeyay Faarax Cali Shire, waxaana wareegga saddexaad lagu kala baxayaa cod hal dheeri ah oo uu guuleysanayo qofkii hela 34 cod.

Ad

Musharax Asad Cismaan C/llaahi oo ahaa ninka ugu da’da yar musharixiinta isu taagay xilka madaxweynaha Puntland ayaa waxaa guusha ka xiga 5 cod, wuxuuna qarka u saaran yahay inuu guuleyso, iyadoo si lama filaan ah uu ku soo baxay, taasoo loo aaneynayo in golaha wakiilada Puntland ay soo galeen xildhibaano u badan dhalinyaro.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

124,636FansLike
988FollowersFollow
3,141FollowersFollow

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!