Thursday, July 10, 2025

Musharax Farmaajo: “Waan ku kalsoonahay taageerada aan heyso, isbedel dhab ah ayaana…”

Musharaxa xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay inuu ku kalsoon yahay isbedel dhan ah oo Soomaaliya ka dhici doona.

Maxamed C/llaahi Farmaajo wuxuu sheegay in inuu ku kalsoon yahay taageerada ay u muujiyeen xildhibaanada Baarlamaanka ee labada aqal.

“Waxaan ku kalsoonahay taageerada ay ii muujiyeen xildhibaannada, waxaana rajeynayaa in berri uu dhaco isbadal dhab ah” ayuu yiri Musharax Maxamed C/llaahi Farmaajo oo qoraalkan soo dhigay bartiisa twitter-ka.

Ololeyaal balaaran ayaa hareeyay magaalada Muqdisho, iyadoo musharixiin kala duwan ay soo bandhigeen taageerada ay heystaan.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Hotelka SYL kaga qeyb galay kulan weyn oo xildhibaano gaaraya 222 ay isugu yimaadeen sida uu sheegay Musharax Xasan Sheekh.

Sheekh Shariif ayaa isna shir jaraa’id  goor dhow ku qabanaya xarunta uu ka degan yahay magaalada Muqdisho, isagoo ka hadli doona xaaladda doorashada iyo rajadiisa ku saabsan in dib loo doorto.

Musharax Farmaajo ayaa loo arkaa musharax taageero ka heysta shacabka, laakiin dhibaato badan kasoo wajahdo xildhibaanada Baarlamaanka.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON