Monday, June 23, 2025

Musharax la tartami doona Cabdi Xaashi oo la diiwaan geliyey iyo Xilliga Hadal jeedinta oo la shaaciyey

Guddiga Doorashada Gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa diiwaan geliyay musharax cusub oo la sheegay inuu la tartami doono Cabdi Xaashi C/llaahi oo hore kursiga keligii ugu xirnaa.

Musharaxan cusub oo caawa ay shaaciyeen Guddiga ayaa lagu magacabaa Siciid Cumar Xuseen oo noqday musharixii danbeeyay ee qaatay shahaadada musharaxnimada, isagoo ku qoran kursiga koowaad ee uu hore ugu soo baxay Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdulaahi.

Dhinaca kale Guddiga Doorshooyinka Somaliland ayaa ku dhawaaqay in Berri ay dhici doonto hadal jeedintii musharixiinta Aqalka Sare ee kasoo jeeda Somaliland oo maanta dib u dhacday.

Ad

Cabdi Xaashi ayaa hore eedeyn ugala kulmay inuu keligiis isku qoray kursiga Aqalka Sare, iyadoo aanay jirin cid kula tartameysa, waxaana hadda la bedelay arrintaasi.

Qoraal kasoo baxay caawa Guddiga ayuaa lagu yiri: “Guddiga maamulka Doorashada kuraasta gobolada waqooyi Somaliland waxay ogaysiinayaan dhamaan musharixiintii isku diiwan geliyay tartanka Doorashada Aqalka Sare ee Somaliland in berrito oo ay taariikhdu ku beegan tahay 28-09-2021(Talaada) ay si rasmiya u bilaaman doonto hadal jeedintii(khudbadihii) Musharixiinta. Goobta: Xerada AfisiyooneSaacada: 8:00 Am, subaxnimoFadlan Waxa Laga codsanayaa musharixiinta in ay dhowraan wakhtiga..”

Ra’iisal wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in la-tashi badan kadib ay go’aansadeen in lala tartamo Cabdi Xaashi oo la helay musharax, iyadoo markii hore la waayey cid tartan la gasha.

- Advertisement -
May be an image of 2 people and people standing

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON