Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Musharrax Madaxweyne C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa ku dhaqaaqay tallaabo ku cusub Soomaaliya, markii uu shacabka weydiistay inay taageero dhaqaale siiyaan ololihiisa musharaxnimada.
Farriin uu si toos ah ula wadaagay shacabka ayuu ku sheegay Musharaxa inuu ka codsanayo dadka Soomaaliyeed taageero dhaqaale oo qof waliba taagtiisa ugu deeqo Xisbiga Wadajir iyo Musharaxnimadiisa.
“Waxaan codsigeyga u dirayaa shacabka Soomaaliyeed inay taageero noo fidiyaan.. dhaqankaas cusub ayaan dooneynaa inaan u bilowno… Ma jiro olole doorasho oo ka maarma taakuleynta dadkiisa… waxaa ayaandarro ah in la caadeystay taageero ajnabi iyo dhaqaale laga helo dowlado shisheeye.. Anagoo ka duuleyna inaan ka xorowno gacan hoorsiga Shisheeye iyo go’aanka nala yeeshaan dad kale, ayaan shacabka Soomaaliyeed weydiisaneynaa inay na taageeraan..” ayuu farriintiisa ku yiri Musharax C/raxmaan C/shakuur Warsame.
Musharixiinta iy xisbiyada ka jira dalalka dimoqraadiga ah ayaa taageero dhaqaale ka hela taageerayaasha iyo xubnaha xisbiyadaasi, waana markii ugu horeysay muddooyinkan oo musharax u tartamaya xilka Madaxweynaha uu taageero weydiisto shacabka.

HOOS KA DAAWO