Thursday, June 26, 2025

Musharaxiin miisaan leh oo diiday isbaheysiga doorashada ee Sheekh Shariif iyo Farmaajo [Akhri Magacyada]

Qaar ka mida musharixiinta ugu waaweyn xilka madaxweynaha ee dhinaca mucaaradka ayaa iska diiday inay qeyb ka noqdaan isbaheysi ay xalay galeen musharixiin ay hormuud u yihiin Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Ololaha doorashada madaxweynaha oo xalay aan la kala seexan ayaa maray halkii ugu cuslaa, waxaana ku soo biiray siyaasiyiin, maamul goboleedyada iyo shirkado ganacsi.

Musharaxiinta  diiday inay isbaheysigaas ka mid noqdaan, waxaa ugu waaweyn:

1- Cumar C/rashiid Cali

2- C/raxmaan C/shakuur Warsame

3- Jibriil Ibrahim Cabdulle

4- C/qaadir Cosoble Cali

Musharaxiintan ayaa lagu tilmaamay inay wareega labaad ka gudbi karaan, iyagoo aan ku qancin, kana xaadirin shirkii Hotel Jazeera ee 11 musharax ay ku heshiiyeen inay taageeraan musharaxa ugu cod bata wareegyada.

Waxaa muuqata in 22-ka musharax ee ka horjeeda dib u doorashada Xasan Sheekh ay hadda mowqifyo kala duwan qaadanayaan, iyagoo ku guuleysan inay hal musharax ku midoobaan.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON