Monday, June 5, 2023

Musharixii labaad ee Beesha H/Gidir oo taageeray C/raxmaan C/shakuur iyo Qorshe socda

Musharixii labaad ayaa ka haray tartanka Doorashada madaxweynaha Soomaaliya, isagoo taageeray mushrax kale oo ay isku beel yihiin.

Dr. C/naasir Cabdulle Maxamed oo ka mid ahaa musharixiinta isu diiwaan geliyey xilka Madaxweynaha Somaaliya, ayaa aqbalay cadaadis uga yimid beesha uu kasoo jeedo e H/Gidir oo dadaal ugu jirta in mushrax kaliya ay beeshaasi ku yeelato tartanka Doorashda Madaxweynaha.

“Waxaan u mahadcelinayaa walaalkeey Dr C/naasir C/lle oo caawa ii tanaasulay. Waxaan kaloo u mahadcelinayaa odayaasha, ganacsatada, siyaasiyiinta, xildhibaanada iyo dhalinyarada ka mira dhaliyey guushan wayn. Waa bog cusub oo siyaasada Soomaaliya, gaar ahaan tan Muqdisho u furmay. Waxaan rajaynayaa in ay guul taariikhii soo hoyn doonto” ayuu yiri Musharax C/raxmaan C/shakuur oo shaaciyey in musharax labaad uu taageeray.

Ad

Dr. C/naasir Cabdulle oo sidoo kale hore xilkan ugu tartamay ayaa ka mid ahaa ahaa musharixiinta aan saameynta badan lahayn, balse wuxuu niyad dhis u noqon karaa, musharaxa ay Beesha H/Gidir u wadato xilka Madaxweynaha e C/raxmaan C/shakuur.

C/kariin Guuleed ayaa hore u taageeray mushraxnimada C/raxmaan C/shakuur, waxaana weli Beeshani ka sharxan musharixiin kale oo fara badan, iyadoo uu socdo qorshe lagu gaarayo xubnaha kale.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,967FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,967FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!