Musharixii ugu horeeyay ayaa saaka iska xaadiriyay xafiiska Villa Hargeysa ee Guddiga Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya si uu isku diiwaan geliyo.
Shariif Sheekh Axmed ayaa noqday musharixii ugu horeeyay ee iska diiwaan geliya Guddiga Doorashada isagoo shubay lacag dhan 30 kun Doolar, isla markaana waraaqihiisa u gudbiyay Guddiga.
Saaka ayay bilaabatay diiwaan gelinta musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya, waxaana xarunta Guddiga la sheegay inay ku sii jeedana musharixiin badan.
Goobjooge.com