Sunday, June 22, 2025

Musharixiin Caan ahaa oo ka haray Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya 2022

Iyadoo maanta lasoo gabagabeeyay diiwaangelinta mushariixinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa soo baxay in musharixiin qaarkood caan ahaa ay ka hareen tartanka, iyadoo kuwo aan la fileyn is-diiwaan geliyeen.

Musharixiintan oo qaarkood oo muddo dheer waday, kana mid ahaa midowga musharixiinta , laakiin waxay markii ugu danbeysay go’aansadeen inay ka haraaan tartanka Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, sababo kala duwan dartood.

Wasiirkii hore ee Arrimaha dibadda Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa shaaciyey inuu isaga haray tartanka doorashada Madaxweynaha, wuxuuna muuqaal uu soo duubay ku sheegay inuu go’aansaday inuu isaga haro tartanka doorashada.

Ad

Wuxuu sheegay inay xilligan heysan waxyaabihii ii suuragelin lahaa inuu ku guuleysto doorashada Madaxweynaha, wuxuuna ku dooday inuusan aqbali karin lacag uu olole doorahso ku galo, taasoo ka hor imaanaysa danta mustaqbalka Soomaaliyeed.

Waxaa kaloo shaaciyey inuu musharaxnimadii xilka Madaxweynaha isaga haray Cabdi Muuse Maaxaay oo in muddo ah baraha bulshada ka ololeynayay, wuxuuna muuqaal uu soo duubay ku sheegay inuu go’aansaday inuu ka haro doorashada madaxweynaha, isagoo sugi doono doorasho Qof iyo Cod ah.

Musharax kale ee C/Xabiib Yaasiin Warsame ayaa isna shaaciyey inuu ka haray tartanka doorashda Madaxweynaha ee sanadkan. Waxaa kaloo jira musharixiin aan is diiwaan gelin oo ka gaabsaday inay ka hadlaan doorashada.

- Advertisement -

Musharixiinta hore u shaaciyey inay xilkan u taagan yihiin ee aan wax go’aan ah laga heynin, ka haray doorashada waxaa ka mida:

1- Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke

2- Mustaf Cabdi Dhuxulow

3- Xuseen Cabdi Xalane

- Advertisement -

HALKAN KA AKHRISO LIISKA MUSHARIXIINTA MADAXWEYNAHA EE RASMIGA AH

Musharixii baraha bulshada ee ku caan baxay Musharaxa ‘BURKA’ ayaa sheegay inay lacag la’aan heyso oo ay ka xayirtan tahay, taasina aanay u suuragaleynin inuu isu sharxo xilka madaxweynaha, waxaana uu ahaa musharax lagu maadsado.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON