Qaar ka mida musharixiinta xilka madaxweynaha ayaa bilaabay olole ay ku dalbanayaan in Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka uu noqdo madaxweyne KMG ah, xilkana kala wareego madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Arrintan ayaa timid kadib markii uu safiirka cusub ee Sacuudiga shalay waraaqihiisa aqoonsiga u gudbiyay Madaxweyne Xasan Sheekh oo si rasmi ah u qaabilay, inkastoo uu markii dambe safiirku sallaan ugu tegay guddoomiyaha Baarlamaanka.
Musharax C/raxmaan C/shakuur ayaa sheegay in iyadoo la raacayo qodobka 94-aad ee Dastuurka uu ku baaqayo in guddoomiyaha Baarlamaanka la wareego xilka sii -hayaha Madaxweynaha Soomaaliya, isla markaana Xasan Sheekh kursiga ka dego oo ku biiro musharixiinta tartamaya.

Musharaxa kale ee Cali Xaaji Xersi ayaa isna sheegay inay sharci darro tahay inuu madaxweyne Xasan ku sii shaqeeyo xilka madaxweynaha Soomaaliya, isagoo sheegay inay ahayd safiirka Sacuudiga uu waraaqaha aqoonsiga ka guddoomo, wuxuuna ugu baaqay Xasan Sheekh inuu Dastuurka Dhowro.
Musharax Maxamed Axmed Nuur Tarsan ayaa isna sheegay in Xasan Sheekh iyo kooxdiisa ay Dastuurka ku tunteen, kana dhigteen sida xaashiyaha gacmaha la isaga tiro.
Tan iyo intii uu dhammaatay xiligii dastuuriga ahaa ee dowladda Federaalka waxaa iska soo daba dhacayay dalabka musharixiinta ee ah inuu xilka ka dego, taasoo aan dhicin. Haddii xilligan Prof. Jawaari xilka la wareego waxaa dhaceysa in guddoomiyaha Baarlamaanka uu si kumeelgaar ahaan ah u qabto ku xigeenkiisa C/weli Sheekh Muudey, taasoo musharixiin kale ay ka cabsi qabaan inuu saameyn ku yeesho doorashada madaxweynaha.