Friday, July 18, 2025

Musharixiin ugu baaqay Madaxweyne Farmaajo inuu is casilo, xilkana ku wareejiyo Guddoomiyaha Golaha…

Mushariixin u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya oo la baxay Kudladda Musharaxiinta madaxweynaha ayaaa ugu baaqay Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo inuu is casilo.

Kutlada Musharixinta ayaa Baaralmaanka waqtigiisa dhammaaday inaysan abuurin caqabad kale, kana fogaadaan, soona saarin sharciyo danbe, isla markaana Madaxweynaha Farmaajo uu is casilo caawa, haddii uu is-casili waayana uu xilka la wareego Guddoomiyaha Baarlamaanka.

“Madaxweynaha madaama waqtigiisu dhammaaday oo saacado ka dhiman yihiin, waxaan soo jeedineynaa inuu is casilo Madaxweynaha, xilkana lagu wareejiyo Guddoomiyaha Baarlamaanka, maadaama Dastuuriyan ay sharci tahay inuu xilka la wareego haddii uu Madaxweynaha xilkiisa gudan waayo..” ayuu yiri afhayeenka u hadlay Musharixiintan.

Wuxuu intaas ku daray in haddii Beri la gaaro aanu sharciyad heysan Madaxweynaha iyo xukuumadda, loona diyaar garoobo in saddex bilood ee soo socota ay Doorashadu ku qabsoonto, meesha ay ka baxdo firaaqii dhici lahaa.

Waxaa sii kordhaya baaqyada loo jeedinayo Madaxweynaha Farmaajo oo muddo xileedkiisu caawa ku eg yahay inuu xilka banneeyo, mar hadduu uu ku fashilmay inuu dalka Doorasho gaarsiiyo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON