Qaar ka mida Musharixiinta Kursiga HOP#67 ayaa ka digay in kursigaasi uu maamulka Galmudug u boobayo sarkaal ka tirsan Hay’adda NISA, iyagoo u adeegeysa madaxtooyada Soomaaliya iyo kooxda Maxamed C/llahi Farmaajo.
Shir jaraa’id oo ay Muqdisho ku qabteen Musharixiinta C/raxmaan Maxamed Tuuryare iyo C/raxmaan Axmed Cumar ayay ku sheegeen in waxa ka socda Galmduug ay tahay boob cad oo si sharci darro ah loogu boobayo kursigaasi.
“In Kursigii la boobo oo la kufsado ayuu go’aansaday maamulka Galmudug isagoo ka amar qadanaya Farmaajo…” ayuu yiri Musharax C/raxmaan Tuuryare oo sidoo kale sheegay in magaalada Muqdisho lala raray ergo aan ahayn Beesha kurisga leh iyo ciidamo la doonayo inay u codeeyeen kursiga.
“Waxaa magaalada Muqdisgo laga rartay ciidan aan ahayn dadkii lahaa kursiga oo la rabo in meel la gashto oo oo lagu xoogo Kursiga. Kursi aan la aqoon dadkii dooran lahaa oo Guddigii soo xuli lahaa ergada aan la diiwaangelin in Musharixiintii laba maalin loo qabto inay is diiwaan geliyaan ma aha wax la fahmi kara” ayuu yiri musharax C/raxmaan Tuuryare.
Musharax C/raxmaan Axmed Cumar ayaa sheegay in “Dadka Kursiga loo boobayo ay yihiin dad aan sharci u marin doorashada, wuxuuna caddeeyay in wax kasta oo kasoo baxa boobkaasi ay sharci darro noqon doonaan.
