Thursday, March 28, 2024

Musharixiinta Madaxweynaha ee Mucaaradka oo safarrada Qarsoodiga ah uga baxay magaalada Muqdisho.

Musharixiinta xilka Madaxweynaha ee sameystay Golaha ay ku mideysan yihiin ayaa tartan adag kula jira Madaxweyne Farmaajo oo ay kala dhaxeyso Doorasho muran ka taagan yahay.

Musharixiintan oo gaaraya 12 ayaa isu qeybiyey guddiyo howlo kala gaara wada, waxayna shaqadooda oo dhan la xiriirtaa culeys saarka dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo si ay ua qabato doorasho lagu kalsoonaan karo, waxay dhinaca kale galaan safarro aan la sii sheegin oo qarsoodi ah.

Bishan gudaheeda waxaa Muqdisho ka baxay in ka badan 5 musharax iyadoo qarkood laga warhelay xilli ay ku sugan yihiin dalal kale. Musharixiintaasi waxaa ka mida: Shariif Sheekh Axmed oo guddoomiye u ah Musharixiinta, kaasoo aaday Imaaraadka Carabta, safarkiisana lagu sheegay mid la xiriira arrimo qoys.

Ad

Waxaa sidoo kale Muqdisho ka dhoofay Ra’iisal wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre oo laga War helay isagoo ku sugan dalka Ruushka, lana kulmay Wasiirka Arrimaha dibadda dalkaaso. Musharax Xuseen Cabdi Xalane ayaa isna laga warhelay isagoo jooga magaalada Nairobi, halka C/kariin Xuseen Guuleed uu isna safar gaara uga baxay Muqdisho.

Inta badan musharixiinta Mucaaradka ayaa isaga daba noqda dalalka Imaaraadka, Kenya, Turkiga iyo dalal kale taasoo qeyb ka ah ololaha doorashada ee ay wadaan; waxaana dad badan aaminsan yihiin doorashooyinka Soomaaliya ay saameyn weyn ku leeyihiin dalal dibadeed oo kala taageeraya musharixiinta.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON