Waxaa maanta magaalada Garowe kusii jeeda Musharixiinta xilka Madaxweynaha ee Soomaaliya oo shir Dood ah uga qeyb galaya caasimadda Puntland.
Shirka Garowe ayaa qeyb ka ah dadaal iskood u wadaan qaar ka mida madaxda maamul Goboleedyada oo lagu doonayo in xal loogu helo khilaafka ka taagan fulinta Doorashada Dalka, waxaana Musharixiinta ku sii jeeda Garowe ay yihiin musharixiinta ku mideysan Golaha Midowga Musharixiinta ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed.
Siyaasiyiintan ayaa ka qeyb galaya shir sanadeedka Mac-hadka Heritage oo lagu qabanayo Garowe, loogana doodayo xaaladda siyaasadda Soomaaliya ayaa waxaa ku hoos jira shirar looga hadlayo xaaladda Doorashada musharixiina iyo maamul Goboleedyada qaarkood.
Madaxweynaha Puntland ayaa shirkan ku casuumay Musharixiinta Madaxweynaha, waxaana la sheegay inay sidoo kale tegi doonaan qaar ka mida madaxda Maamul Goboleedyada oo uu gu horeeyo madaxweynaha Jubbaland.
Waxaa kaloo Garowe tegi doona Guddoomiyeyaasha labada aqal ee Baarlamaanka oo iyagu qeyb ka ah shir sanadeedka Mac-hadka Heritage ee Garowe.
Dhinaca kale Maamulka Puntland ayaa amarro uu soo saaray ku joojiyey in soo dhoweyn loo sameeyo ama boorarka musharixiinta Madaxweynaha la surro magaalada Garowe xilligan.
Xaaladda magaalada Garowe ayaa kacsan, iyadoo ay ka socdaan bannaanbaxyo looga horjeedo sicir barar ka dhashay diidmada lacagta shilin Soomaalida ee u gaarka ah Puntland, waxaana la xiray ganacsiga magaalada.
