Golaha Midowga Musharixiinta Soomaaliya ayaa qoraalklii labaad oo cabasho ah u diray Dowladda Turkiga, iyagoo u mariyey safirkeeda Soomaaliya ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho.
Qoraal ay musharixiinta xalay u direen safiirka Turkiga Mehmet Yılmaz ayay uga codsadeen in dib loo dhigo Saanad Hub ah oo Turkigu siinayo ciidamada Gaarka ah ee Booliska Haramcad, kuwaasoo ay sheegeen in madaxweyne Farmaajo u adeegsado saameyn u ku yesho doorashooyinka (Akhri Warkan).
Qoraal kale oo ay isla maanta Musharixiinta u direen Safaaradda Turkiga e Muqdisho ayey ugu baaqeen inuu Turkigu dhexdhexaad ka noqdo arrimaha Doorashada dalka, waxayna qoraalkooda ku caddeeyeen inay ka xun yihiin taageerada uu safiirka Turkiga u muujiyey Guddiga lagu muransan yahay ee Doorashada.
Waxay musharixiinta ugu baaqeen Safiirka Turkiga ee Soomaaliya inuu dhexdhexaad ka noqdo arrimaha Doorashooyinka Soomaaliya si isku mid ahna ugu sinnaado madaxweyne Farmaajo iyo Musharixiinta kale ee tartanka kula jira.
