Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ku eedeeyay dowladda Soomaaliya oo uu sheegay inay cunaqabateyn dhinac waliba ah ku heyso maamulkiisa.
Isagoo ka hadlayay munaasabada xuska ciidamada Somaliland ayuu ku eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo inuu dagaal dhinac waliba leh ku hayo Somaliland, isla markaasina uu saartay cunaqabteyn.
“Dowladda Xamar ka dhisan ee Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Xasan Cali Kheyre ilaa maalintii la doortay ilaa maanta waxay weerar qaawan oo joogto ah ku hayaan Somaliland.. Dagaalka dhaqaale waa joogto… kan cunaqabateyn waa joogto… dowladaa Xamar ka dhisan ee Baydhaba weerareysa .. ee kismaayo u hub sameysaneysa ee Puntland dirqi kaga baxsatay.. ee Somaliland dagaalkaa ku heysa… ee iyadii ay ilaaliyaan ciidamo Q/Midoobay.. ee Q/Midoobay la dagaalameyso garan meyno inta ay fitnadeeda gaari kareyso..” ayuu yiri Muuse Biixi.
Muuse Biixi ayaa sheegay in Farmaajo uu Xad beelaad ka doonayo Somaliland iyo Puntland dhexdooda isna uu Xamar ka talinayo, wuxuuna dadkiisa uga digay siyaasadda Soomaaliya ka socota ee fogeynta dadka kasoo jeeda Somaliland.
HOOS KA DAAWO
https://youtu.be/KWkqBRXH7aM?t=214