Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa saaka socdaal uga bilowday magaalada Addis Ababa, kaddib marti-qaad rasmi ah oo uu ka helay ra’isal wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Ahmed.
Muuse Biixi ayaa safarkoodu qaadan doonaa muddo maalmo ah, waxaana inta ay joogaan magaalada Addis Aabba kulamo la qaadan doonaan madaxda kala duwan ee dalka Ethiopia iyo kuwo kaleba.
Madaxweynaha Somaliland waxaa wafdigiisa ka mida wasiirka maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire, waxaana magaalada Addis Ababa ku sugayey wafdi kale oo hore u joogay halkaasi oo ay ka mid yihiin wasiirrada wasaaradaha arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga Ciise Keyd Maxamuud, Gaadiidka Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed (Ataash) iyo Ergeyga Somalialnd u qaabilsan Waddahadallada Soomaaliya.
