Monday, June 23, 2025

Muuse Suudi: “Farmaajow waxaad heyso soo daa, haddii kale kursiga banneey, oo ka bax Madaxtooyada..”

Senator Muuse Suudi Yalaxow aya si kulul uga hadlay xaaladda dalka iyo qaabka uu Villa Somalia ku joogo Maxamed C/llaah Farmaajo kadib markii uu dhammaaday muddo xileedkiisii.

Isagoo ka mida hoggaamiyeyaasha ciidamada badan ku heysta Muqdisho ee ka horjeeda muddo kororsiga Farmaajo ayuu si cad ugu sheegay inuu ka guuro Villa Somalia, lana mid noqdo madaxweynayaashii hore, haddii kale wax uu hayo uu soo daayo, sida uu yiri.

“Farmaajo, Madaxweyne Xasan Sheekh kama fiicna, Madaxweyne Sheekh Shariif-na kama fiicna, Darajo ma dheera maanta, sida ay yihiin ayuu yahay.. haddii siduu yahay uu inkiraayo, siday yihiin ayaa la gaarsiinaa..” ayuu si cad u yiri Senator Muuse Suudi.

Ad

Wuxuu sheegay in Ra’iisal wasaare Rooble laga doonayo inuu (Farmaajo) yiraahdo “Istiqaalad gacanta iga saar shaqadeydana ii madax banneey, markaas diyaar ayaan u nahay..” ayuu yiri Muuse Suudi oo caddeeyay inaysan Rooble ka yeeleynin wiilashu ka baxeen, Farmaajona uu saxiixii ka heysto.

“Rag 15 jir qori ku bilaabay oo 50 jir ah, kuma aadaan ragga loo bixiyey Shimbir, Yaanyuur iyo Mukulaal.. Farmaajo waxaa heyso soo deey, hadii kale kursiga ka kac, adiga ma lihid kursigee.. Guriga ka baxay ijaar gal.., kuwa ka baxay kama fiicnid, xil wareejin lagaama rabo… waryaa adiga qof kugu sharfi meyso in xil lagaa wareejiyo mana mudnid..” ayuu si kulul u yiri Xaajiga oo meesha ka saaray in ciidamada taabacsan laga saaro Muqdisho iyadoon Farmaajo isaga tegin Villa Somalia.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON