Tuesday, November 29, 2022

Muxuu ahaayeen Ereyadii dooda dhaliyey uu Abiy Ahmed kusoo dhoweeyay Xasan Sheekh?

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa si weyn magalaada Addis ababa ugu soo dhoweeyay Madaxwyenaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo socdaal rasmi ah uga bilowday dalkaasi.

Abiy Ahmed ayaa farriin uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka adeegsaday ereyo ay su’aalo badan ka dhasheen oo dadku faallo ka bixiyeen, kadib markii uu dalka Itoobiya ugu yeeray ‘Dhulkii Asalka ahaa’.

“Kusoo dhahow Dhulkii asalka ahaa Madaxweyne Xasan Sheekh. Itoobiya si diiran ayey usoo dhoweyneysaa socdaalkaada shaqo ee labad maalmood ah” ayuu qoraalkiisa soo dhoweynta ahaa ku yiri Ra’iisal wasaaraha Itoobiya abiy Ahmed.

Ad

Dadka faallooyinka ka bixiyey qoraalkaasi ayaa su’aallo ka keenay waxa loola jeedo ‘ Dhulka Asalka ah, halka qaar kale ay ku doodeen in Masar oo lagu tilmaamo ‘Hooyadii Dunida’ uu ugu ajwaabayo Ra’iisal wasaaraha Itoobiya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,995FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,995FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!