Sunday, July 13, 2025

Muxuu isu casilay Taliyihii Ciidamada Booliska Dh/mareeb? (Madax sare oo sii deysay xubno Alshabaab..)

Taliyaha Ciidamada Booliska magaalada Dhuusamareeb Dhamme Burhaan Axmed Rooble, ayaa xalay saqdii dhexe shir jaraa’id ku qabtay magaalada Dhuusamareeb, isagoo shaaciyey inuu xilka iska casilay.

Taliyahan oo xilka la wareegay 25-kii Febraayo, 2020 ayaa sheegay inuu xilka uga tegay kadib markii faragelin lagu sameeyay shaqadiisa, isla markaana lasii daayey rag Alshabaab lagu tuhunsanaa oo uu soo xiray.

Taliye Burhaan Axmed Rooble ayaa sheegay in rag baaritaan lagu hayey oo looga shakisanaa muddo laba jeer ah laga sii daayey saldhigga Booliska Dhuusamareeb, markii madax ka sareysa ay faragelin ku sameeyeen, isagoo baaq u diray madaxda Sare ee dowladda Federaalka.

24/2/2020 ayuu sheegay inuu soo xiray laba eedeysane, markii uu baarayna lagu ogaaday inay ku xirnaayeen shabakad kale, laakiin nasiib darro saacado kadib awood loogu sheegtay in la sii daayo, lana diiday in la baaro.

Kiiska kale ayuu sheegay inuu 29/4/2020 ayuu sheegay inay soo xireen nin lagu tuhunsanaa xiriir uu Alshabaab la lahaa, kana yimid Muqdisho, balse isagoo ka maqan goobta shaqada laga sii daayey xabsiga Dhuusamareeb 4/5/2020, iyadoo loo gudbiyey degmada Cadaaddo., isagoo go’aansaday inuu xilka isaga tago mar haddii uu shaqadii amniga wadi waayey.

Taliyaha waxaa xilka u magacaabay Taliyaha Booliska Soomaaliyeed, waxaana wararka qaar ay sheegeen inuu ka tirsanaa Saraakiishii Ahlu suna oo maamulka madaxweyne Qoorqoor ay uga shakisnaayene inuu gacansaar la lahaa madaxda Ahlu suna.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON