Waxaa durba bilowday ololaha doorashada 2020/2021 kadib markii madaxda dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada ay soo saareen habraacyada iyo shuruudaha Doorashada lagu gelayo iyo jadwalka Doorashada.
Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa saacado kadb heshiiskii Muqdisho u dhoofay shalay magaalada Nairobi, isagoo halkaasi kulamo kula leh saraakiil ka tirsan Dowladda Imaaraadka Carabta iyo Musharixiinta xilka Madaxweynaha e ka horjeeda Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa isna ku laabtay magaalada Kismaayo, isagoo lagu wado inuu gaaro Magaalada Nairob, waxana sidoo kale uu ku biiri doonaan shirarka ka socda magaalada Nairobi ee saddexda dhinac u socda.
Imaaraadka ayaa hore u bilaabay olole uu doonayo inuu saameyn ku yeesho Doorashada Soomaaliya ee soo socota, waxaana sarkaalka UAE u qaabilsan Soomaaliya Xuseen Darwiish Al-Shamsi uu fadhi ka dhigtay magaalada Nairobi halkaasoo uu kula kulmayo Madaxda Maamul Goboleedyada, wuxuuna hore kulan gaara ula yeeshay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor).
Xogta la helay ayaa sheegeysa inuu Imaaraadka doonayo dhismaha isbaheysi siyaasadeed oo xoog leh oo lagu soo saar musharixiin xilka madaxweynaha u tartama, ugana guuleysta madaxweynaha xilka kasii dhammaanayo oo rajadiisu aysan fiicneyn.
Waxaa magaalada Nairobi ku sugan musharixiin fara badan oo u taagan xilka Madaxweynaha, iyadoo sidoo kale doorashadii 2016 ahayd xarun ay isku abaabulaan musharixiinta mucaaradka ku ahaa madaxweynihii xilligaasi Xasan Sheekh oo uu ka mid ahaa Maxamed C/llaahi Farmaajo.
