Wararka laga helayo magaalada Baydhaba ayaa sheegay in Garoonka Diyaaradaha Shaatigaduud ee magaalada Baydhaba lagu qabtay nin la sheegay inuu ka tirsan yahay Alshabaab oo halkaasi ka raaci lahaa Diyaarad.
Ciidamada Nabadsugidda Koonfur Galbeed ayaa ka shakiyey Ninkan dhallinyarrada ahaa oo doonayey inuuu u safro magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, waxaana wareysi lala yeeshay lagu ogaaday inuu ka mid yahay Alshabaab.
Ninkan oo lagu magacaabo Ibraahim Cabdullaahi Jaamac (Fahad) ayaa sheegay inuu Aabihiis ku qalqaaliyay ka mid noqoshada Alshabaab, isagoo Gaalkacyo jooga, kadibna uu tababar ciidan kusoo qaatay magaalada Jilib ee gobolka Jubbada Dhaxe.
Waxaa laga soo xigtay in Madaxda Al-Shabaab ay u direen magaalada Gaalkacyo, si halkaasi uga fuliyo howlgalo ay u xilsaareen.