Monday, June 23, 2025

Nin ku eedeysnaa Qaraxyo oo lagu toogtay Muqdisho [Madaxweyne Farmajo oo saxiixay fulintii 2aad]

Waxaa saaka dil toogasho ah lagu fuliyey magaalada Muqdisho nin ku eedeysnaa Alshababnimo iyo inuu ka dambeeyay qaraxyo dhowra ah oo 06-dii Disembar 2017 lagu xukumay dil.

Dil-sugaha oo lagu magacabi jiray C/qaadir Abuukar Shaacir Maxamed ayay hore maxkamada ciidamada qalabka sida uguu xukuntay Dilka toogashada ah, waxaana lagu fuliyey sanad kadib maanta oo ay Taariikhdu tahay 24/12/2018 lagu fuliyay Xukukii dilka ahaa.

Waa dilkii labaad ee madaxweyne Farmajo uu saxiixo tan iyo intii uu xilka qabtay ku dhowaad muddo 2 sano ah, iyadoo 14-kii Oktoobar 2018 la fuliyey dilkii ugu horeeyay ee toogasho ah oo uu saxiixo madaxweynaha, waxaana lagu eedeeyay inuu ka gaabsaday ogolaanshaha fulinta Shabaabka fara badan ee ku xukuman dilka,arrimo ku xiran beesha caalamka darteed.

EEdaha loo jeediyey denbiilah oo da’diisu ahayd 41 sano jir, waxaa ka mid ahaa: in uu ka tirsanaa Al-shabaab, una qaabilsanaa Qeybta Qaraxyada, isagoo sahmin jiray goobaha ay kooxdu rabaan in ay ka fuliyaan qaraxyada, sidoo kalena baabuurta laga soo buuxiyay qaraxyada gayn jiray goobtii uu soo sahmiyay si loogu qarxiyo, waxaana ka mid ahaa goobihii la qarxiyay ee uu soo sahmiyay:-

1. Taariikhdu markay ahayd 13/03/2017, Qaraxii ka dhacay afaafka hore ee Hotel Wehliye, halkaasoo ay ku geeriyoodeen 10 ruux, kuna dhaawacmeen 17ruux oo kale.

2. Taariikhdu markay ahayd 05/04/2017, wuxuu geeyay Baabuur Saaruf ah oo ay ka buuxaan walxaha qarxa Maqaayad kasoo horjeeda Wasaarada sportiga agagaarka xaruntii wasaarada Amniga, qaraxaas oo ay ku geeriyoodeen 9 ruux, kuna dhaawacmeen 10 ruux oo kale.

3. Sidoo kale wuxuu soo sahmiyay Qaraxii ka dhacay Baar Italia Taariikhdu markay ahayd 08/05/2017, halkaasoo ay ku geeriyoodeen 7 Ruux kuna dhaawacmeen 11Ruux oo kale.

4. , taariikhdu markay ahayd 15/5/2017., ciidamadu amnigu waxay ku qabteen C/qaadir Abuukar Shaacir Max’ed isagoo wado gaarigii qaraxa ahaa ee ku qarxay Degmada X/wayne gaar ahaan EX. Eenaayo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON