Friday, June 27, 2025

Nin Muqdisho ku dilay Xaaskiisa oo 12 Caruur u dhashay iyo Faahfaahin laga helay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Dil fool xun oo ka dhacay degmada Xamarjajab ee magaalada Muqdisho, kadib markii Nin Bajaajle ahaa oo xaaskiisa si fool xun Mindi ugu dilay.

Dadka degaanka ayaa sheegay in arrintan ay dhacday xalay, wuxuuna dilka yimid kadib muran dhex maray Ninka oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Shamsi iyo xaaskiisa Qamar Cabdi Cumar oo uu weydiistay lacag dhan 25 Dollar si uu Mootada ugu sameysto, balse ay u sheegtay inaysan heli karin.

Maxamed Shamsi ayaa la sheegay inuu Mindi aad u weyn ilaa lix jeer ku dhuftay xaaskiisa, oo halkaasina ay ku geeriyootay, kadibna uu goobta ka baxsaday, waxaana ilaa maanta meydkeeda laga qaaday Guriga falku ka dhacay oo ay isugu yimaadeen dadweyne iyo qaraabo kala duwan oo ka naxay dilka.

Allaha u naxariistee Hooyo Qamar Cabdi Cumar ayaa ninka dilay u dhashay 12 caruur ah, waxaana u joogay 11 caruur oo qaarkood ay qaangaar yihiin, waxaana ugu yaraa 4 sano jir, iyadoo la sheegay inay ahayd hooyo caruurteeda iyadu dabarta oo gacanta ku heysa.

Ninka sida foosha xun u dilay xaaskiisa ee Maxamed Shamsi ayaa baxsaday, waxaana ehelka haweeneyda ay codsadeen in cadaaladda la horkeeno.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON