Friday, January 21, 2022

XOG: Sidee loo helay Askartii dishay Walaallaha Sowda iyo Sakariye..? (Guutada ay ka tirsan yihiin)

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kaga helay sida lagu qabtay askartii ka danbeysay dilka Allaha u naxariistee walaallihii Sakariye Maxamud Xuseen iyo Sowdo Maxamud Xuseen.

Falkan dilka walaallaha ayaa ka dhacay habeenkii Khamiista 2 Disembar Isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho, waxaana baxsaday Gaari ay lahaayeen ciidamada Milateriga oo falkaasi geystay.

Taliyaha ciidamada Dhulka Jen. Biixi ayaa sheegay in helitaanka askartan ay keentay markii Kaamerada Amniga ee CCTV ay duubtay Gaariga ciidamada, kadibna dabagal lagu sameeyay sumadda Gaariga, taasoo keenay in taliska Milatariga warbixintaas la gaarsiiyo.

Ad

Askartii Gaarigaasi ka tirsanaa ayaa dhexdooda sheegay in labada askari ee la qabtay oo Gaariga la socday ay ka dambeeyeen falkaasi, iyadoo sidaasi lagu soo qabtay askartaasi, markii horena uu xirtay Taliska Milateriga.

Askarta falkan geystay ayaa ka tirsanaa ciidamada Gorgor ee Turkigu tababarray, gaar ahaan Guutada 18-aad, sida uu sheegay Taliyaha ciidamada Dhulka Jen. Maxamed Tahliil Biixi. Ciidamadan ayaa la filayey inay asluub ahaan ka duwan yihiin ciidamadii caadiga ahaa maleeshiyaadka beelaha ee looga bartay dilalka shacabka iyo dagaallada dhexdooda ah.

Taliska xoogga dalka ayaa labada askari ee falkan ku eedeysan ku wareejiyay shalay xeer ilaalinta ciidamada Qalabka sida, iyadoo la filayo in lasso taago maxkamadda ciidamada milateriga.

- Advertisement -

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

160,855FansLike
2,535FollowersFollow
5,938FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

160,855FansLike
2,535FollowersFollow
5,938FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!