Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa qoraal kooban kasoo saartay howlgal ka dhacay xarumo maleeshiyada Alshabaab ay ku lahaayeen Gobolka Shabeelada Hoose.
Qoraal ay baraha bulshada soo dhigtay Hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in howlgalkaasi uu ka dhacay degaanka Farsooley, iyadoo lagu dilay ilaa 40 xubnood oo ka tirsanaa Alshabaab, isla markaana lagu burburiyey laab goobood oo lagu qaado Zakawaadka.
“Ciidanka amniga oo 2-da bishaan howlgal qorsheysan ka fuliyay goobo ka mid ah tuulada Forsooleey, ayaa hub kusoo furtay, laba goobood oo AS dadka Zakawat uga qaadi jireenna ku burburiyay. Howlgalka waxaa daba socday laba duqayn oo AS looga dilay ilaa 40 xubnood”. Ayaa lagu yiri qoraalkan.
Hay’adda NISA ayaa qoraalladda ay soo saarto waxay noqdeen kuwo loo adeegsado baraha bulshada iyado caddeyn iyo faahfaahin aan mida lahayn, mana jirto cid xaqiijisay.