Wararka laga helayo magaalada Hargeysa ayaa sheegaya inuu gacan-ka-hadal dhex maray Oday Suldaan ah iyo Mudane ka tirtsan Golaha Wakiilada Somaliland.
Suldaan Saleebaan (Habaar) ayaa weerar ku qaaday oo gacanta ula tegay Xildhibaan Axmed-nuur Guruuje oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland oo muddooyinkan uu khilaaf u dhaxeeyay, hawadana isu mariyey haddallo kulul.
Xildhibaan Axmed-nuur Guruuje ayaa la geeyay isbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa, waxaana dhaawac kaso gaaray Madaxda iyo gacanta, iyadoo dhiig badan ka hooray.
Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Soomaaliland oo ka hadlayy dhaawaca Xildhibaanka ayaa cambaareeyay, waxaana uu sheegay in falkaasi uu yahay qalad laga galay guud ahaan Golaha Wakiilada Somaliland.
Waxaa uu sheegay in falka lagu dhaawacay Xildhibaan Garuuje uu yahay mid xad gudub ah, waxaana uu dalbaday in maxkamad la horgeeyo Suldaan Saleebaan (Habaar) oo falkaasi geystay.



