Thursday, June 26, 2025

ONLF oo 4 Mas’uul ku eedeysay inay ka danbeeyeen dhiibista Qalbidhagax [Magacyadooda]

Ururka ONLF ayaa ku celceliyay in madax iyo xildhibaano ka tirsan dowladda Soomaaliya ay mas’uul ka yihiin in sarkaal ka tirsan loo gacan geliyo dowladda Itoobiya.

Afhayeenka ururkaasi Cabdiqadir Shekh Xasan Hirmooge (Cadaani)  ayaa wareysiyo kala duwan oo uu warbaahinta siiyay wuxuu qorshaha C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi dhagax) loogu gacan geliyay Itoobiya ku sheegay inay mas’uuliyadiisa ay qaadayaan, mas’uuliyiinta kala ah:

1 – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo

2 – Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Xasan Cali Kheyre

3 – Taliyaha NISA C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe)

4 – La-taliyaha Madaxweynaha ee Amniga Bashiir Maxamed Jaamac (Goobe)

Afhayeenka ayaa wareysi kale oo uu bixiyay ku sheegay in kiiska gacan gelinta Qalbi dhagax ay ka dambeeyeen afarta mas’uul ee sare ku xusan iyo xubno kale oo ka shaqeeyay kiiskiisa. Warar xogogaal  ah ayaa sheegaya in Agaasimaha Madaxtooyada Fahad Yaasiin Xaaji uu bixiyay amarka Qalbi dhagax lagu keenay magaalada Muqdisho.

Arrimahan oo dhan waxay imaanayaan iyadoo dowladda Federaalka ay ka aamustay ka hadalka kiiska Qalni dhagax iyo qaabka ay Itoobiya ugu gacan gelisay, taasoo keentay inay sii kordhaan wararka la isla dhex marayo iyo kacdoonka shacabka ee arrintan ay ka dhalisay baraha bulshada.

Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON