Friday, June 27, 2025

Prof. C/risaaq Jurrile oo laga reebay Kursigii uu u sharaxnaa ee Baarlamaanka Federaalka

Wararka laga helayo magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in Cabdirisaaq Cismaan Jurile oo ahaa siyaasi ruugcaddaa ah laga reebay tartanka kursigii Baarlamaanka Federaalka ee uu u sharaxnaa.

Senator Jurille oo ka mid ahaa Aqalka Sare ee Baarlamaankii 10-aad, xilal kala duwanna kasoo qabtay dowladii Kacaanka iyo dowladihii xilliga burburka kadib, ayaa ka mida siyaasyiin u dhowaa Madaxweynaha Puntland oo la filayey inuu kusoo baxo kursi xildhibaan, laakiin waxaa ugu danbeyn laga reebay doorashada.

Guddoomiye ku xigeenkii Guddiga Doorashooyinka SEIT ee Puntland Caynaanshe Yusuf Xuseen ayaa maanta ku dhawaaqay inuu xilka is casilay, isagoo la sheegay in loo xiray kursiga Beeshiisa ee todobaadkan lagu dooran doono Magaalada Boosaso, kaasoo hore loogu sadaalinayay inuu kusoo baxo Senator Cabdirasaaq Cusman Xasan (Jurile) oo hore u waayey kursigiisii Aqalka Sare.

“Senator Cabdirisaaq Cismaan Jurile oo ah siyaasiga ugu aqoonta badan, ugu waxtarka roon, ugu ilbaxsan, uguna xiriirka badan ayaa maanta laga reebay xubnaha Golaha Shacabka ee Gobolka Bari ku metelaya Somalia. Waa maalin ilduuf iyo metelaad xumo weyni dhacday”. ayuu yiri Wasiirkii hore ee Arrimaha gudaha Federalka Cabdi Faarax Juxa oo arrintan ka hadlay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON