Tuesday, July 1, 2025

Prof. Cabdi Ismacil: “Bannaanbaxa waa inuu si joogto ah u socdaa ilaa caqliga u soo noqonayo Ninka buurta saaran”

Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa ka hadlay xaaladda Doorashada iyo arrinta Gobollada Waqooyi ee Somailland, isagoo sheegay inaysan wax tal ah ku ka lahayn, loona heshiiyey dadka kasoo jeeda Gobollada Waqooyi.

“Dadka reer Banaadir waxaa ku boorinayaa inay bannaanbaxa Berri dhacaya in la joogteeyo oo aanu noqon Berri oo qura… waa inuu joogto noqdaa ilaa ninka Buurta fuushan iyo kuwa la shaqeysta uu caqliga u soo noqdo..” ayuu yiri Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo tilmaamay Farmaajo iyo la-taliyeyaashiisa.

“Reer Banaadir waxaan ku leenahay: Waa naloo heshiiyee ma noo hiilineysaan..? Shirka Baydhabo laguma heshiin ee waa naloo heshiiyay.. Hadaan nahay reer Waqooyi, waa iyadoo la kufsaday qaranimadii iyo midnimadii Soomaaliyeed lana nijaaseeyay wixii umada isku keenay” ayuu yiri Prof. Cabdi Ismacil oo si kulul u eedeeyay Wakiilka Q/Midoobay ee Soomaaliya James Swan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON