Sunday, July 13, 2025

Puntland iyo Jubbaland oo shaaciyey War aanu fileyn Farmaajo. “Wuxuu Shirka maanta kusoo xirmay..” (Shir Jaraa’id)

Maamul Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa cadeeyay inaysan ogeyn shir fashilmay sida uu ay ku dhawaaqday madaxda dowladda Federaalka.

Shir jaraa’id oo ay wadajir u qabteen wasiiro ka kala tirsan labada maamul Goboleed ayey ku sheegeen in shirkii maanta oo ahaa midkii ugu rajada roonaa uu Maxamed Farmaajo kusoo xiray in dib la isugu soo laabto, kadibna ay ka wasiir heleen Wasiir Dubbe oo sheegaya inuu shirkii Fashilmay.

Puntland iyo Jubaland waxay sheegeen in qodobka ugu adag ee la dhaafi waayey maanta uu ahaa qodobka ah in madaxuhu awooda wareejiyo, ayna si cad u sheegayaan in shirku u furan yahay oo aanu jirin shir fashilmin.

“Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ma rabo inuu Doorasho qabto, wuxuu kaliya eedayaa maamul Goboleedyadeena.. Waxaan rabnaa inaan umadda Soomaaliyeed la wadaagno in shirkaasi uu socday saddex casho oo laga wadahadlayey sidii doorasho loo aadi lahaa maanta oo ajendaha lagu heshiin lahaa waxaa lagu soo xiray in lasoo ala nasto… Ma jirto shir aan ognahay inuu fashilmay.. Dubbe-na waxaan oran lahaa: Godka lagu cadaabyow muxuu go’uhu been sheegay..” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Puntland C/llaahi Cali Xersi (Timacadde).

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON