Dowlad Goboleedka Puntland ayaa soo saartay amarro ku socda musharixiinta u taagan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee adeegsata gaadiidka ciidamada iyo ilaalada gaarka ah.
War kasoo baxay Wasaarada Amniga Puntland oo uu ku saxiixnaa wasiirka Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa lagu faray dhammaan Murashixiinta u taagan Golaha Shacabka heer federaal, masuuliyiinta ururada siyaasadda Puntland iyo murashaxiinta golayaasha degaanka degmooyinka doorashooyinka ka dhacayso inaysan isticmaali karin gaadiid ciidan iyo ilaalo gaar ah midna.
HOOS KA AKHRISO WAREEGTADA
UJEEDDO: WARGELIN GO’AAMO AMNI
lyadoo laga duulayo waajibaadka joogtada ah ee adkeynta amniga Puntland, lana tixgalinayo Xaalada ololaha qabsoomida doorashada Golaha Shacabka ee heer federal iyo doorashooyinka dawladdaha hoose ee degmooyinka Eyl. Ufeyn iyo Qardho.
Wasaaradda Amniga iyo DDR ee DPL waxay dhamaan ku wargelinaysaa Murashixiinta u taagan Golaha Shacabka heer federal ama xilal kale oo heer federal ah. masuuliyiinta ururada siyaasadda Puntland, murashaxiinta golayaasha deegaanka degmooyinka doorashooyinka ka dhacayso inaysan isticmaali karin gaadiid ciidan iyo ilaalo gaar ah toona.
Qofkii sababo gaar ah uga maarmi waaya ilaalo wuxuu lasoo xiriirayaa Taliyaha Booliiska Puntland, Hadaba waxaa dhammaan la farayaa laamaha amniga fulinta awaamiirtan iyo gudashada waajibaadkooda.
Mud. Cabdisamad Maxamed Gallan
Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR Puntland
