Dowlad Goboleedka Puntland ayaa eedeyn culus u jeedisay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo ay sheegeen inuu sio fowdo ah ku tagay waqooyiga Gaalkacayo, isla markaana diiday jadwalkii ay u dejisay Puntland.
Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo shir jara’id klu qabtay magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in in Ra’isul wasaare Kheyre uu si cad u hareer maray hanaankii aan ay u dajiyeen, isagoo si cad ugu sheegay inuusan raaceynin hanaanka loo dejisay, lana kulmeynin isimada iyo odayaasha loo diyaariyey.
“Hanaankii iyo meeqaamkii aan ugu talagalnay si masuuliyad darro ku jirto in Ra’isul wasaaruhu u diiday oo uu yiri annigu hanaana raaci maayo, umana socdo inaan isimo, odoyaal iyo waxgarad u diyaarsanaa inaan la kulmee ee waxaan u socdaa inaan dhalinyaro meel iigu diyaarsan inaan dhexgalo, dhalinyarada inuu dhexgalo annagaa diyaar u ahayn oo jadwalkagay ku jirtay..” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Puntland
Wasiirka Puntland oo ra’iisal wasaaraha ku eedeeyay mas’uiuliyad darro ayaa ka digay in falka uu sameeyay Ra’iisal wasaare Kheyre saameyn ku yeesho xiriirka iyo nabadda Gobolka Mudug, gaar ahaan magaalada Gaalkacyo oo uu sheegay in dhibaato badan laga soo maray heerka uu maanta gaaray.
Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay xafiiska Ra’isul wasaaraha Soomaaliya, isagoo shalay tegay Garoonka Maxamed Cawaale Liibaan ee Waqooyiga Gaalkacayo, iyadoo la rumeysan yahay in Puntland ay diiday inuu dadweynaha la hadalo.