Maamul Goboleedka Puntland ayaa shaaciyey go’aankii la sugeyay ee uu ka qaatay muddo kororsiga Madaxweynaha xilku ka dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Aqalja Hoose ee Baarlamaanka Federaalka.
Qoraal ay faafisay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu caddeeyay in Puntland aysan aqoonsanayn tallaabadii muddo kororsiga Ha’adaha dowladda federaalka iyo madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday, ayna ku taagan tahay Heshiiskii Doorashada ee 17-ka September 2020 oo ah hannaanka kaliya ee heshiis lagu yahay si loo qabto Doorashada federaalka.
Puntland waxay ugu baaqday saxiixayaashii heshiiskii Doorashada ee 17-ka September 2020, saamileyda siyaasadda iyo wakiilada Beesha Caalamka in dib loogu noqdo Miiska wadahadalka si xal looga gaaro Doorashada, loona soo afjaro xaaladda hubanti la’aanta dowladeed.
Puntland waxay ku hanjabtay haddii dib loogu noqon waayo wadahadalka arrimaha Doorashada ay qaadan doonto tallaabo ay aayaheeda ka tashan doonto, iyadoo ka duuleysa qaraarkii shirweynihii Puntland ee 17 March 2020.

HOOS KA AKHRISO