Madaxtooyada Puntland ayaa jawaab degdega ka bixisay baaqii Madaxweynaha xilkiisa dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo ee ahaa inuu shirka wadatashiga Doorashada ka dhaco magaalada Garowe 15-ka bishan Febraayo 2021.
Qoraal goor dhoweyd kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa lagu xaqiijiyey inaan shirkaasi lagala tashan Puntland, maadamaa uu waqtigii dowladda Federaalka dhammaadayna ay ku haboon tahay in lagu qabto magaalada Muqdisho, ayna kasoo qeyb galaan saamileyda siyasadda iyo wakiilada Beesha Caalamka.
“Dowladda Puntland waxay soo dhaweynaysaa shirka lagu baaqay 15 Febraayo, inkastoo aan lagala tashan in Garoowe lagu qabto, maadama uu dhammaaday mudo xileedkii hay’addaha Dastuuriga ah ee DFS, waxayna ku talinaysaa in Shirka lagu qabto Muqdisho, ayna kasoo qayb galaan Saamileyda Siyaasada iyo Beesha Caalamka” ayaa lagu yiri Qoraalka Madaxtooyada Punrland.
Arrintan ayaa baaqa Farmaajo ka dhigeysa mid aanay daacad ka ahayn qabashada shirkaasi ee ujeedku ahaa in farriin loogu diro Beesha caalamka iyo shirka Golaha Amniga Qaramada Midoobay ee arrimaah Soomaaliya ka yeelanayo.
