Maamulka Puntland ayaa mar kale ka hor timid Guddi ay magacawday xukuumadda Soomaaliya oo qaabilsan arrimaha xajka, kaasoo dhowaan ay shaacisay Wasaarada Diinta iyo Awqaafta xukuumadda Soomaaliya.
Wasiirka Caddaalada iyo Diinta Puntland Cawil Sheekh Xaamud oo Shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garowe ayaa shaaciyay in Puntland ku gacan seyrtay Guddiga qaabilsan kala saarista shirkadaha u tartamaya fulinta adeegyada xajka ee sannadkan oo ay dhowaan magacowday wasaaradda Awqaafta iyo Arrrimaha Diinta Soomaaliya.
Wuxuu intaas ku daray in Puntland aan lagala tashan magacaabidda guddigaasi, isagoo ka dalbaday xukuumadda Soomaaliya inay kusoo wareejiyo qoondada ay ku leeyihiin xujeyda Soomaalida oo gaareysa 11,500 Xaaji.
Puntland ayaa ku doodeysa inay iyadu maamuleyso xujeyda ka dhoofaya degaanadeeda, ayna dooneyso in qaab maamul goboleed loo qeybsado tirada xujeyda. taasoo aan weli dhicin, waxayna arrintan ku soo beegantay iyadoo madaxda dowladda Federaalka iyo madaxda dowlad goboleedyada ay ku shirayaan magaalada Garowe.