Sunday, June 29, 2025

Puntland oo shaacisay inay dowladda Federaalka ka waayeen Lacagtii ay ku deeqday Dowladda Qadar [Akhriso]

Maamul Goboleedka Puntland ayaa beeniyay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay lacag ugu deeqday dhismaha jidka Ceeldaahir-Ceerigaabo oo hore loo sheegay inay dowladda Somalia maalgelisay.

War ka soo baxay madaxtooyada Puntland ee C/weli Gaas ayaa lagu sheegay in lacagta dhan $1500,000.00 (Milyan iyo shan boqol oo kun oo Dollar) ee ay sheegtay xukuumadda Soomaaliya ay tahay sida ay dooday Puntland qoondo ay Puntland ka heshay deeq ak timid Midowga Yurub oo la soo mariyey dowladda Soomaaliya.

Lacagtaas ayey Puntland qirtay inay ku maalgelisay dhismaha jidka u dhaxeeya Ceerigaabo iyo CeelDaahir, iyadoo hore maamulka Puntland u sheegi jirtay inay iyadu bixisay  lacagtaasi, waxaana weli socda dhismaha jidkaasi.

Mdaxtooyada Puntland ayaa dalbatay lacag ay sheegtay inay ku deeqday dowladda Qatar oo aysan ka helin qeybtii ay ku lahayd Puntland, lacagtaas oo dhan $200 milyan oo Dollar oo ah mashaariic laga fulinayo wadooyin soo gala Muqdisho.

No automatic alt text available.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON