Guddiga Doorashada heer Dowlad Goboleed ee Puntland ayaa shaaciyay inuu qabanayo Doorashada 10 kursi oo ka mida Golaha Shacabka.
Qoraal kasoo baxay Guddiga Maamulka Doorashada heer Dowladda Goboleed SEIT ee Puntland ayaa sheegtay iyadoo fulinaysa waajibaadka qaran iyo heshiisyadii madasha qaran, ay soo gudbinayaan qabashada doorashada 10 kursi oo ka mid ah 37 kursi ee ku astaysan degaanka Puntland.
Arrintan ayaa ka danbeysay khilaaf cusub oo ka dhex qarxay Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

