Qaramada Midoobey, Ingiriiska iyo Midowga Yurub ayaa soo dhoweeyay khudbadii ay Baarlamaanka u jeedisay guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Xaliima Ismaaciil Ibraahim (Xaliima Yarey) iyo hababkii doorasho ee ay soo jeedisay.
Qoraallo barahooda Twitterka soo dhigeen Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya UNSOM, Safiirka Ingiriiska ee Somalia iyo Wakiilka Midowga Yurub ayaa lagu soo dhoweeyay hababka Doorash toos ah oo Soomaaliga ka dhici karta illaa bisha Maarso 2021.
Qaramada Midoobey ayaa arrintan shuruud uga dhigtay wadatashi ballaaran oo dhex mara madaxda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada Hoggaamiyeyaasha siyaasadda si loo gaaro Doorasho la isla ogol yahay.
Waxay kaloo Q/Mdioobay tilmaantay inay tahay tallaabo wanaagsan oo horay loo qaaday shirka dhex mari doona Dowladda Federaalka iyo Dowlad goboleedyada oo lagu wado inuu Muqdisho ka furmo 5-ta July 2020.
Safiirka UK ee Soomaaliya Ben Fender ayaa qoraalkiisa ku sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu Guddiga Doorashooyinka ka maqlo in la qaban karo doorasho toos ah horaanta 2021, wuxuuna soo qaatay habka maalin qura codeynta iyo diiwaan gelinta dhaceyso oo ah mid kharash yar. Safiirka ayaa sheegay inuu soo dhoweynay qorshaha la isku raacsan yahay oo ay la yimaadaan dowladda Federaalka iyo maamul Goboleedyada.
Dhinaca kale Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicholas Berlanga ayaa Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaran ugu hambalyeeyay hababka doorashada ee ay soo bandhgitay, wuxuuna daba dhigay in baahi loo qabo is afgarad siyaasadeed iyo in la furo siyaasadda, laga soo bilaabo min xulasho illaa doorasho, iyo doorashada waqtigeeda.