Tuesday, July 1, 2025

Q/Midoobay, Midowga Yurub iyo Ingiriiska oo Farriimo u diray Ra’iisal wasaaraha cusub (Akhriso)

Qaar ka mida Beesha Caalamka ayaa soo dhoweeyay codka kalsoonida ee uu maanta helay Ra’iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Q/Midoobay ayaa soo hambalyo u diray, Ra’iisal wasaaraha cusub, waaan qoraal ay soo saartay lagu yiri: “Bahda Qarmada Midoobay ayaa hambalyo diiran u diraysa Maxamed Xuseen Rooble oo si rasmi ah u xaqiijiyay inuu yahay Raysul Wasaaraha Soomaaliya, waxayna u rajaynayaan guul xilli uu bilaabayo doorkiisa hoggaamineed ee muhiimka ah waqtigan xasaasiga u ah Soomaaliya, waxayna QM ballan qaaddaysaa inay garab istaagayso, iskaashina la samaynayso Raysul Wasaaraha cusub”

Midowga Yurub: ayaa isna qoraal uu soo saaray wakiilkiisa Soomaaliya Nicholas Belrange u qornaa sidatan: “Ergada Midowga Yurub ee Soomaliya waxay hambalyo u diraysaa Maxamed Rooble oo loo ansixiyay in u noqdo Raisul Wasaaraha Xukumada Federaalka Soomaliya. Waxaan u rajaynaynaa guul wax ku ool ah u ka gaaro dhabaha degaanashaha, ka wada qeyb qaadasho iyo in Soomaliya gaarto baraaro”

Safirka Ingiiriiska ee Soomaaliya Ben Fender ayaa farriintiiisa hambalyada ku yiri: “Waxaan hambalyo diiran u dirayaa Maxamed Rooble oo si rasmi ah u noqday Ra’iisal wasaare taageero buuxdana ay siiyeen Xildhibaannanda. Waxaan diyaar u nahay inaan si dhow ugala shaqeyno arrimaah hor-tebinta leh sida dhaqaalaha, dib u habeynta Amniga iyo ka hortagga Alshabaab. Hambalyo”.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON