Thursday, March 28, 2024

Q/Midoobay, Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo IGAD Go’aano culus kasoo saaray xaaladda Somaliya (Akhriso)

Qaramada Midoobay iyo urur Goboleedyada waaweyn ee saameynta ku leh Soomaaliya sida, Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo IGAD ayaa go’aamo wadajir ah kasoo saaray xaaladda is mari waaga Doorashada Soomaaliya.

Shir ay khadka internet-ka shalay ku yeesheen madaxda kala ah: xoghayaha guud ee IGAD Dr. Workneh Gebeyehu, GUddoomiyaha Guddiga siyaasadda iyo Amniga Midowga Afrika Bankole Adeoye; Madaxa Afrika u qaabilsan Midowga Yurub Rita Laranjinha, iyo Ku xigeenka xoghayaha guud ee Q/Midoobay, una qaabilsan Siyaasadda iyo Nabad ilaalinta Rosemary DiCarlo ayaa laga soo saaray go’aano ku saabsan xaaladda cakiran ee Soomaaliya.

Qoraalka wadajirka ah ayaa walaac weyn ka mujhiyey is-mari waaga siyaasadeed ee Soomaaliya, waxayna xaqiijiyeen inay xusmeynayaan qaranimada Soomaaliya iyo Midnimada dhulkeeda, waxayna madaxda Soomaalida ugu baaqeen inay ka shaqeayaan danaha guud ee dalkooda, si degdeg ahna ugu laabtaan wadahadalka u dhaxeeyay madaxda dowladda federaalka iyo maamul Goboleedyada.

Ad

Inay xal wadar ogol ah u raadiyaan caqabadaha taagan iyo la xaqiijiyo inaan la qaadin wax tallaabo ah oo dhaawici kara xasiloonida Soomaaliya, taasoo halis ku noqon karta nabadda iyo xasiloonida Dunida.

Waxay hoosta ka xariiqeen in Heshiiskii 17 Septembar uu yahay kan ugu wagaansan ee loo mari karo qabashada Doorasho waqtiga ugu dhow lagu qabto, waxaana loogu baaqay madaxda dowladda iyo Maamul Goboleedyada inay dib u eegaan oo ka heshiiyaan tallooyinkii Guddigii Farsamada ee magaalada Baydhaba lagu gaaray 16 Febraayo 2021, iyagoo la raadinayo heshiis laga gaaro arrimaha taagan ee muhiimka u ah dhaqan gelinta Doorasho si haboon ku dhacda.

Waxay dib u xaqiijiyeen inaysan haba yaraatee taageereynin hanaan doorasho oo is barbar socda; ama xaalad cusub oo keeneysa muddo kororsi lagu sameeyo muddo xileedkii hore ee dowladda.

- Advertisement -

Waxay ugu baaqeen madaxda Soomaalida inay sii wadaan horumarkii laga gaaray dowlad dhiska Soomaaliya iyo siyaasadda loo dhan yahay, gaar ahaan doorashooyinka iyo in si nabad ah awoodda loola kala wareego; waxayna madaxdaasi ugu baaqayaan inay maanta la yimaadaan fulinta danaha muhiimka ah ee dadka Soomaaliyeed oo ah nabad iyo doorasho xor iyo xalaal ah, lana aamini karo.

Waxay dhammaan hoggaamiyeyaasha Soomaalida ugu baaqeen inay is xakameeyaan ayna ka waantoobaan tallaabooyinka keeni kara inay xaaladda kacsan uga sii daraan.

Qoraalka Q/Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo IGAD waxaa lagu soo gabagabeeyay inay si dhow ula socon doonaan xaaladda Soomaaliya.

- Advertisement -

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON