Sunday, June 22, 2025

Q/Midoobay oo War kasoo saartay Heshiiskii Golaha Wadatashiga iyo Qodob ay ka dalbatay Madaxda

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo war kasoo saaray heshiiskii Doorashada ee ay shalay Muqdisho ku gaareen Golaha Wadatashiga Qaran ayaa soo dhoweeyay, kana dalbaday madaxda Soomaalida in la fuliyo.

“Qaramada Midoobay waxay aaminsan tahay in mudnaanta hadda la leeyahay ay tahay fulinta go’aamadan si loo gaaro natiijo la aamini karo oo si weyn loo aqbali karo marka la gaaro waqtiga cusub ee la qabtay ee 25-ka Febraayo” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay UNSOM.

Q/Midoobay waxay sidoo kale ku dhiirri-gelisay hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya in ay sii wadaan wada shaqayn ku dhisan niyad-sami, kana fogaadaan wax walba oo keeni kara xiisado cusub ama khilaaf.

Ad

“Hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaalida ayna diiradda saaraan sidii loo gaari lahaa hanaan doorasho oo lagu kalsoonaan karo oo ay dani ugu jirto shacabka Soomaaliyeed”.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON