Thursday, December 8, 2022

Xukuumadda Somaliya oo Heshiis cusub la saxiixaneysa Shirkada Maru Port Services (Maxay qabaneysaa?)

Xukuumadda Xilgaarsiinta Federaalka Soomaaliya ayaa heshiis cusub la gashay shirkad lagu magacaabo Maru Port Services Ltd oo qaabilsan tayo-dhowrka.

Shirkaddan oo sheegtay inay xiriir la leedahay Shirkadda tayadhowrka caalamiga ah ee Intertek international, waxaana qoraal uu soo saaray wasiirka Ganacsiga Khaliif Cabdi Cumar lagu sheegay in shirkadda Maru Port Services loo aqoonsaday inay ka mid noqoto shirkadaha fulinaya howlaha lagu hubinayo tayada badeecadaha kala duwan de dalka la keenayo ama laga dhoofinayo.

Wasaaradda Ganacsiga ayaa ku doodeysa in heshiiska ay la gashay shirkaddan uu salka ku hayo sharciga Tayo-dhowrka (Quality Control Act) ee la ansixiyey Maarso 2020, wuxuuna heshiisna uu soo baxayaa xilli xukuumadda xilgaarsiinta ay ku jirto xaalad kala guur ah oo aanay heshiiyo gelin karin.

Ad

HOOS KA AKHRISO QORAALKA WASIIRKA

MINISTRY OF COMMERCE & INDUSTRY
OFFICE OF THE MINISTER

TAR: 06/01/2022 SUMMAD: WGW/XW/001/2022

- Advertisement -

Ku: Maru Port Services LTD.
Og: Maareeyaha Hay’adda Taya-dhowrka Soomaaliyeed.
Og: Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dawladda.
Og: Xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee Dawladda.
Og: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda.
Og: Wasiir-ku-kigeenka Wasaaradda.
Og: Wasiiru Dawlaha Wasaaradda.
Og: Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS.

Uj: Wargalin in too qaatay Shirkadda Maru Port Services LTD qabashada howlaha Tayada Badeecadaha Dalka la keenayo ama laga dhoofinayo.

Mudane/Marwo Ayadoo la tixraacayo Xeerka tirsigiisu yahay Lam 3 ee ka soo baxay xafiiska Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo warshadaha XFS taariikhdu markay ahayd 25 Dcember 2021, waxaa la idinku wargelinayaa in Shirkadda Maru Port Services LTD, loo aqoonsaday inay ka mid noqoto shirkadaha fulinaya howlaha lagu hubinayo tayada badeecadaha kala duwan de dalka la keenayo ama laga dhoofinayo.

Sida ku xusan Xeerka waxaa Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha XFS iyo Shirkadda Maru Port Services LTD ay kala saxiixan doonaan heshiis shaqo (Service Contract) si waafaqsan Sharciyada dalka u yaalo.

- Advertisement -

Heshiiska ayaa lagu faahfaahin doonaa dhammaan adeegyada dhowridda tayada ee ay qaban doonto Shirkaddu, iyo waajibaadka shaqo ee loo igmaday taasoo lagula kisaabtami doono.

Khalif Cabdi Cumar
Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,994FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,994FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!