Tuesday, June 24, 2025

Qabanqaabada Munaasabadda Saxiixa Heshiiska Doorashada oo socota, Yaase ka qeyb galaya..?

Waxaa magaalada Muqdisho ka socota qabanqaabada munaasabadda lagu saxiixayo Heshiiska Fulinta Doorashada, iyadoo lagu casuumayo dhinacyo kala duwan.

Xarunta Afisyoone ee Teendhada loo yaqaan ayaa lagu wadaa in lagu qabto xafladda iyadoo ay ka soo qeyb geli doonaan Saxiixayaasha Heshiiska, madaxweynaha xilkiisu dhammaaday, Musharixiinta Madaxweynaha, wakiilada bulshada rayidka iyo Marti sharaf kala duwan oo ay ku jiraan wakiilada beesha caalamka.

Heshiiska la saxiixayo ayaa la sheegay inuu dhigayo in muddo 3 bilood ah lagu qabto Doorashada iyadoo wixii kasoo noqda heshiiska ee fuli waaya ay go’aan ka gaarayaan saxiixayaasha oo ah 7 xubnood, waxaana booskii Maxamed Farmaajo lagu bedelayaa Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Waxaa shirka ka hadli doona madaxda saxiixayaasha ah, iyo wakiilada xubnaha ka qeyb galaya oo ay ka mid yihiin Mushariixinta madaxweynaha, iyadoo kalmad gabagabo ah la siin doono madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON