Qarax Gaari ayaa Caawa ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan Isgoyska Shaqaalaha, degmada Waaberi ee Caaasimadda Muqdisho.
Qaraxa ayaa la sheegay inuu ahaa kuwa lagu xiro Gaari uu watay qof magaciisa lagu sheegay Axmed Cusmaan oo deganaa degmada Waaberi, kaasoo ku geeriyooday Gaariga, markii qaraxu dhaliyay inuu dab qabsado, kuna dhex gubtay.
Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu dhaliyay dhawaaca labo qof oo goobta qaraxa ku sugnaa, wuxuuna dhaliyay qarax labaad oo ka dhacay Haamo Shidaal oo ay lahaayeen Maqaayad ku taalla goobta qaraxu ka dhacay.