Faahfahain dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax Gaari lagu xiray oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Dharkeynley.
Qaraxa ayaa lala beegsaday Allaha u naxariistee Xaashi Cumar Xasan, waxaana soo gaaray dhaawac culus oo jirka qeybtiisa danbe burburiyey, iyadoo lala beegsaday miinooyinka lagu xiro baabuurta. Marxuumka ayaa u geeriyooday dhaawaca culus ee kasoo gaaray Qaraxa loogu xiray Gaariga.
Xaashi Cumar ayaa muddo dheer oo 18 sano ugu u xirnaa dalka Talyaaniga kiiska gabar weriye ahayd Ilaria Alpi oo sanadkii 1994 lagu dilay Muqdisho, balse dadaal dheer kadib lagu waayey denbigaasi, laguna guuleystay in lasii daayo.
Xaashi ayaa dowladda Talyaaniga ka gelay lacag magdhow ah oo gaareysa 3 Miyan oo EURO, waxaana uu ku noolaa Muqdisho, kadib markii uu xoriyadiisa dib u helay.
Ma cadda cidda beegsaday ee qaraxa ugu xirtay Gaariga, mana jirto weli cid sheegatay dilka Marxuum Xaashi Cumar. laakiin qaraxyada noocaasi ah waxaa farsameeya Alshabaab oo la filayo inuu gacantooda ku baxay.

