Monday, June 23, 2025

Qarax is-miidaamin oo ka dhacay agagaarka Garoonka ciyaaraha Stadio Muqdisho

Qarax is-miidaamin ah ayaa Galabta ka dhacay Isgoyska Cali Kamiin oo aad uu dhow Garoonka Ciyaaraha Stadio Muqdisho, kaasoo ay ka socotay ciyaartii xulalka Galmudug iyo Gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa waxaa fuliyay qof is-miidaamiye ah oo isku xiray waxyaabaha qarxa, kaasoo diiday inuu istaago markii ya joojiyee ciidamada amniga, kadibna is qarxiyay, waxaana qaraxa ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Wararkii uu danbeeyay ayaa sheegaya in dhowr qof ay ku dhaawacmeen qaraxa oo ay ku jiraan askar, halka uu ku dhintay is-miidaamiyihii, waxaana gubtay goobo ganacsi, iyadoo warar kale sheegaaan inay jirto dhimasho kale.

Ad

Alshabaab ayaa sheegtay mas’uuluiyadda qaraxa iyo inay la beegsadeen barta ciidamada NISA iyo Boolis Militaaro ee Isgoyska Cali-kamiin.

Taliska a Booliska Soomaaliyeed ayaa war uu soo saaray ku sheegay in Galabta 16:00 ay cidanka Boliisku la kulmeen qof u muuqday inuu fal dambiyeed maagan yahay, kaas oo isku dayey inuu baxsado.

“Qoralka Booliska ayaa lagu yiri: “Ciidanka oo cayrsanaya ayuu ku qarxay Kaalin shidaal oo ku taalla Isgoyska Cali-kamiin ee degmada Warta-nabada oo u jira ugu yaraan 1 KM garoonka Cayaaraha ee Stadium Muqdisho. Qasaaraha ka dhashay qaraxaas ayaa ah dhimashada 2-ruux oo goobta ka ag dhawaa iyo dhaawaca 2 kale. Sidoo kale, waxaa gebi ahaanba burburay Kaalinkii shidaalka uu naftii haliguhu beegsaday”.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON