Wararka laga helayo magaalada Boosaaso ayaa sheegaya inuu qarax ka dhacay Albaabka laga galo dekadda weyn ee magaaladaasi.
Qaraxa ayaa la sheegay inuu ahaa miino halkaasi la dhigay, waxaana laga beegsaday goob ay ciidamada amniga ka ilaaliyaan dekadda Boosaaso, waxaana jugta qaraxa laga maqlay magaalada inteeda badan isagoo dhaliyey qasaare kala duwan.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in qaraxa uu ku dhintay qof Itoobiyaan ah, waxaana sidoo kalana ku dhaawacmay askari ka tirsan ciidamada ilaalada Dekadda Boosaaso. Waxaa kaloo qaraxu burbur u geystay Gaadiid iyo dhismooyin halkaasi u dhowaa.
Ciidamada amniga ayaa baaritaan bilaabay qaraxa kadib, mana jiraan wax war ah oo kasoo baxay hay’adaha Amniga magaalada Boosaaso.